Lionel Messi Oo Seegay Tababarka Barcelona Ka Hor Kulanka Real Sociedad Semi-final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka.

0
206

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday in uu shaki ku jiro ciyaarista kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kulanka Real Sociedad Semi-final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka.

Kooxda Barcelona ayaa caawa 11 habeenimo ee wakhtiga geeska Africa la ciyaari doonta kooxda Sociedad kulan muhiim u ah kooxda Barcelona.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna Lionel Messi ka qayb qaadan tababarka buuxa ee kooxda ka hor kulanka Sociedad.

Arintan ayaa wal-wal ku haysa kooxda Barcelona marka loo eego in uu xiddigu qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here