Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Ee KG Oo Baydhabo Dib Ugu Soo Laabtey

0
173

Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay waxaa maanta dib ugu soo laabtey Gudiga Hergalinta Doorashooyinka Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maalamahan Safar Shaqo ugu maqnaa Magaalada Caasimada Ee Muqdisho oo ugu Socday Tababaro Ku saabsan Habraac doorashooyinka iyo Qaabka ugu Wanaagsan ee Degaanada Koonfur Galbeed ugu Qabsoomi lahayd Doorashada Labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya 2020 2021 ayadoo La Raacayo Hashiiyada Iyo Haabraaca Lagu Heshiiyay Ee Doorashooyinka.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabp ku Soo Dhaweeyay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Abdulaahi Ali Watiin iyo Masuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobalka Baay ,

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo Goobta ka Hadlay ayaa Soo Dhaweeyay Xubnaha Gudiga

Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Hergalinta Dooradhooyinka Koonfur Galbeed ahna Kusimaha Gudoomiyaha Guddiga Nuuradiin Ibraahim Aadan ayaa sharaxay ujeedka Safarkooda iyo Howlihii Usoo Qabsoomay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here