Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Gaaray Xerada Billi-Doogle Iyo Ujeedkiisa

0
110

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Xerada Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee Billi-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaalkiisa Xerada Billi-doogle waxaa ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo xubno kale.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ee Xerada Billi-doogle ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu kuur geli lahaa howlgala Ciidamada DANAB  ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale.

Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare Xerada ayaa waxaa kulan la qaadan doonaa saraakiisha Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan, isagoo kala hadli doona arrimo ku aadan la-dagaalanka Al-shabaab.

Booqasha Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku soo aadeysa, xilli Mareykanka uu qorsheynayo in maalmaha soo socda ciidamadiisa uu kala baxo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay Madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here