Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Caawa Kaga Hor Tagto Eibar, Messi Waa Maqan Yahay.

0
88

Kooxda Barcelona ayaa isha ku haysa guusheedii 4-aad 5-tii kulan ee ugu dambaysay La Liga Marka ay la ciyaari doonaan kooxda Eibar caawa.

Kooxda Ronald Koeman ayaa 10 dhibcood ka helay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga waxana ay kulanka soo gali doonaan iyaga oo 3/0 ku garaacay kooxda Real Valladolid.

Kooxda Barcelona waxa ka maqnaan doona kabtankooda Lionel Messi kaas oo dhaawac kuraanta ah kaga maqnaan doona kooxda kulanka Eibar ee caawa.

Xiddiga reer France ee Griezmann ayaa la filayaa in uu hogaamiyo weerarka Barcelona kulanka caawa ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa si aad ah guul ugu baahan hadii ay doonayaan in ay xilli ciyaareedkan ku guulaystaan horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here