Man City Oo Ku Dhaw In Ay Liverpool & Real Madrid Ku Garaacdo Saxiix Xiddig Boosas Badan Ka Ciyaar & Guardiola Oo Sabab U Ah.

0
103

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayso baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Xiddigaa Alaba ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Bayern Munich kadib markii ay kooxdu la laabatay dalabkii ugu dambeeyay ee heshiis kordhinta.

Kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Liverpool ayaa ah kooxaha ilaa haatan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Austria.

Laakiin wargayska Fussball Transfers ayaa sheegaysa in ay Man City ku soo biirtay tartanka waliba tababare Pep Guardiola fure u noqon doono in ay kooxdiisu ku guulaysato saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in rabitaanka Pep Guardiola doonayo in uu xiddiga khadka dhexe uga ciyaarsiiyo in ay fure u tahay in uu 27 jirku doorto ku biirista Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here