Isco Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Marka Uu Ka Tago Real Madrid.

0
99

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba doortay kooxda uu ku biiri doono January.

Kooxda Sevilla ayaa la filayaa in ay saxiixa xiddiga ku garaacdo kooxaha Arsenal iyo Everton kadib markii uu xididgu doortay in uu ku biiro Sevilla.

Xiddiga kubad sameeyaha ah ayaa doonaya in uu isaga tago Real Madrid kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Zidane ee xilli ciyaareedkan.

Ciyaaris la’aanta ayaa 28 jirkan keentay in uu maamulka kooxdiisa u sheego in uu doonayo in uu isaga tago kooxda iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Arsenal iyo Everton.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Spain doortay ku biirista Sevilla si uu uga hoos ciyaaro tababarihiisii hore ee Julen Lopetegui.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid diyaar u tahay in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 18 milyan oo euro marka uu furmo suuqa kala iibsigu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here