Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
137

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool ayaa ugu dambayn kali ku noqotay hogaanka horyaalka Premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Tottenham todobaadkii 13-aad ee premier League.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda kaliya ee kale ee ka tirsan 6-da kooxood ee ugu waaweyn ee guusha ka gaadhay kadib markii ay dhaaftay kooxda Sheffield United.

Kooxaha kale ee ka tirsan 6-da kooxood ee ugu waaweyn ee Man City, Chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood ku fashilmay in ay guul gaadhaan todobaadkan.

Leeds United ayaa dhankeeda xasquuqday kooxda Newcastle Halka ay Everton garaacday kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power.

Hadaba waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka ee horyaalka premier League kadib todobaadkii 13-aad ee horyaalka.

Kooxda Everton ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxaha Leeds United iyo Man United 2 xiddig ku leeyihiin shaxda.

Kooxaha West Brom, Sheffield United, West Ham iyo Wolves ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here