Muxu Paul Scholes Ku Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Horyaalka.

0
138

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa sheegay in ay kooxda Man United ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Sheffield United kulan ka ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Brame Lane.

Goolal ay dhaliyeen Marcus Rashford (2) iyo Anthony Martial ayaa Red Devils ku hogaamiyay guul ay u qalmeen oo ka tirsanaa horyaaka Premier League.

Markii la weydiiyay hadii United ay u tartami karto horyaalka, Scholes ayaa u sheegay Amazon Prime Video: ‘Haa waa inaad ka fikirtaa sidaas sababta oo ah waxa ay si fiican u ciyaareen kulankii Sheffield United”.

“Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa aan u malaynayaa in uu sanadkan badalay shaxda sidoo kale in badan badalay xiddigaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here