Arsenal Oo Ugu Dambayn U Muuqata Mid Qarka U Saaran Saxiixa Xiddig Omar Rekik.

0
175

Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Omar Rekik sida ay sheegayaan waarku.

Arsenal ayaa si weyn u doonaysay saxiixa xiddiga 18 jirka ah intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay laakiin wakhtiga ayaa ka dhacay si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Laakiin xiddiga ayaa haatan u muuqda in uu ugu dambayn ku soo biiri doono kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates Stadium ee Arsenal marka uu suuqu Furmo bisha soo socota.

Xiddiga Rekik ayaa khamiistii bartiisa Instagram ku muujiyay in uu u duuli doono London si uu u dhamaystiro ku biirista Gunners.

Xiddiga reer Holland ee Rekik ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Arsenal ee Suuqa January ee soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here