Man United Oo Doonaysa In Ay Bar-Barayso Rikoodh 60 Sano Jira Kulanka Sheffield United United.

0
103

Kooxda Man United ayaa isha ku haysa in ay bar-barayso rikoodh 60 sano ah oo gool dhalinta ah marka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Sheffield United.

Inkasta oo ay ku dhibaatoonayaan natiijooyinka xilli ciyaareedkan premier League hadana kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa caawo ka dhigatay in ay guulo gaadhana kulamada martida Premier League iyaga oo dhamaan wada badiyay kulamada martida xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa dhalisay 3 gool kulamadii martida xilli ciyaareedkan halka ay ugu yaraan 2 gool dhaliyeen 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen prmeier League waliba martida ahaateen.

Hadii ay Red Devils dhaliso 2 gool kulanka Sheffield United ee caawa waxa ay dhalin doonaan 2 gool iyo wax ka badan 10 kulan oo xidhiidh ah iyaga oo bar-barayn doona rikoodh 60 sano ay cid u dhawaan wayday.

Tottenham ayaa ahayd kooxdii ugu dambaysay ee rikoodhkaas ka dhigta premier League iyaga oo dhigay sanadkii 1960.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here