Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Prmeier League Oo La Soo Saaray.

0
97

Kooxda Tottenham ayaa wali sii hogaaminaysa horyaalka premier League kadib guul ay ka gaadheen kooxda Arsenal laakiin waxa ay kaliya goolal kaga horeeyaan kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool kadib guushii ay ka gaadheen Wolves.

Kooxaha Tottenham iyo Liverpool ayaa hogaanka kala wareegay kooxda chelsea oo si ku meel gaadh ah u qabatay sabtidii kadib markii ay ka badiyeen Leeds United.

Leicester City ayaa dhankeeda garaacday kooxda Sheffield United halka ay Kooxda Man United mar kale guul soo laabasho leh ka gaadhay West Ham United.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa iyaduna garaacday kooxda Fulham iyaga oo dib u helay qaab ciyaareedkoodii joogtada ahaa.

Crystal Palace ayaa xasuuqday kooxda West Brom halka ay Burnley iyo Everton dhibcaha ku heshiiyeen kulan ka dhacay Turf Moor.

Hadaba shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier Leageu iyaga oo soo qaatay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Tottenham ayaa xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 4 xiddig halka Liverpool sidoo kale 2 xiddig ku leedahay shaxda.

Kooxaha Burnley, Chelsea, Man City, Man United iyo Crystal Palace ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here