RB Leipzig Vs Man United & PSG Vs İstanbul Başakşehir.

0
112

Waxa kulamo xiiso leh oo ka tirsan wareega Group-yada gaar ahaan kulanka Group H dhexmari doonaa kooxaha Isku Group-ka ah iyada oo la ciyaari doono kulankii ugu dambeeyay ee Group-yada.

Group-ka ayaan wali lagu kala bixin waxana wali lagu dagaalamayaa u soo bixista wareega 16-ka ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha PSG, Man United iyo RB Leipzig ayaa dhamaantood isku hasta 2-da boos ee looga soo boxo wareega xiga ee 16-ka champions League.

Man United VS RB Leipzig:

Kulankan ayaa ah mid aad u adag kooxda Man United ayaana u baahan ugu yaraan bar-baro si ay ugu gudubto wareega xiga ee tartanka champions League.

Dhanka kale RB Leipzig ayaa kaliya u baahan guul hadii ay doonayso in ay Man United ka reebto tartanka champions League waliba u baahan in ay goolal badan kaga badiso.

Kulanka: RB Leipzig Vs Man United

Tartanka: Champions league

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Red Bull Arena.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa 5/0 ku garaacday RB Leipzig kulankii ugu horeeyay ee ay labada kooxood ku kulmaan tartamada yurub iyada oo guuldaradaas ka timid kulankii 2-aad ee xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay Old Trafford.

Man United ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League booqdeen Germany champions League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha Bayern Munich 2014 iyo Wolfsburg 2015.

Kulankan ayaa noqon doona markii 4-aad ee ay RB Leipzig ka hor tagto Koox England ay marka loo eego in ay laba kulan ka hor tageen Tottenham xilli ciyaareedkii hore iyo kulankii United ee xilli ciyaareedkan.

PSG Vs İstanbul Başakşehir:

Kooxda PSG oo kulankii 5-aad garaacday kooxda Man United waxana ay haatan u baahantahay bar-baro ama guul si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka.

Dhanka kale kooxda reer Turkey ee İstanbul Başakşehir oo hal guul kaliya gaadhay ayaa doonaysa in ay si fiican ku soo xidhato xilli ciyaareedkooda champions League.

Kulanka: PSG Vs İstanbul Başakşehir

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Parc des Princes.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

PSG ayaa 2/0 uga badisay kooxda İstanbul Başakşehir kulankoodii hore ee ay iaga hor yimaadeen champions league xilli ciyaareedkan.

Kooxda İstanbul Başakşehir ayaa laga badiyay 7 ka mid ah 9-kii kulan ee ay martida ahaayeen champions League kana mid yihiin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

PSG ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League ka hor tagtay kooxaha reer Turkey iyaga oo dhaliyay 10 gool waliba shabaqooda ilaashaday 4-taas kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here