Maamulka Gobolka Baay Oo Baydhabo Ka Bilaabay Tirikoobka Guryaha.

0
102

Maamulka gobolka baay ee koonfur galbeed awamiir ka soo baxdey xafiiskiisa ayaa waxaa lagu wargaliyey dhamaan Degmooyinka gobolka baay xaafadaha ay ka kooban yihiin in loo sameyn doono lambareen ku aadan tira koobka xaafadaha Magaalada taasi oo lagu dhejin doono lambar ugaar ah gurigaasi.

Xaafadda Salaamey ee Magaalada Baydhabo waxey ka mid tahay xaafadaha si toos ah loogu bilaabey ku dhejinta lambarka tira koobka ah.

Gudoomiyaha gobolka baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan “Dooyow” oo lahadlaayey warbaahinta ayaa wuxuu ka hadley muhiimada ay leedahay tira koobka xaafada iyo danta laga leeyahay asagoona farta ku godey in ay arintaasi door muhiim ah ka qaadaneyso nabadgeliyada magaalada iyo ogaanshaha dhaq dhaqaaqa xaafadaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha Xaafadda Sameeley ee Magaalada Baydhabo Mowliid Malabow ayaa wuxuu ku tilmaamey lambareyta guryaha iney tahay qeyb ka mid ah horumarinta maamul wanaaga iyo in aysan dhici is qab qabsi ku aadan dhulalaka oo in mudo ah doodeedu hareysey hay,adaha sharciga ee magaalada baydhabo ka howl gala.

Sidoo kale gudoomiye Mowliid ayaa waxaa uu soo hadla qaadey in ay jiri donaan canshuuro laga qaadi doono guri kasta oo lagu dhajiro lambarka tira koobka ah taas oo ilaahaaatan ka dhaqan gelin magaalada balse lama oga sida ay dadka ugu falcelin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here