Dadaka Xaafada Wadajir Ee Magaalada Baydhabo Oo Si Isxilqaan Ah Ku Dhisanaya Wado Halbowle U ah Isu Socodka Dadka Iyo Gaadiidka.

0
100

Wadadani ayaa ah wado aad muhiim ugu ah isu socodka Bulshada iyo Baabuurta Waxaa si is Xilqaan ah ku dhisanaaya Shacabka ku Nool Xaafada Wadajir Ee Magaalada Baydhabo Xarunta Gobollka Baay.


Wadadaan ayaa waxey isku Xirtaa Suuqa iyo Xaafada Wadajir Taasi oo hormarta Isbitaalka Weyn Ee Gobollka Baay,Waxeyna Markii Hora Wadadani aheyd mid aad uga muuqatey burubur aad u weyn .


Bulshada Xaafada Wadajir ayaa iska kaashadey dhismaha wadada Xaafada Wadajir waxeyna ay sameeysteen gudi ka shaqeynaya Aruurinta lacagtii lagu dhameystiri lahaa dhisamahaasi waxaana arintaasi warbaahinta ugu warbixiyey gudoomiyaha xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo Abdulaahi Macalin Baarey asagoona sheegey in dadka xaafada ay iskaashi iyo is abaabul ay muujiyeen howshan lagu bilaabey islamarkaana ay dhamaystirka wadadan ay dardar ku socoto.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here