Maamulka Degmada Baydhabo Oo Bogaadiyey Dedaalada Dib Loogu Soo Celinayo Bilicda Magaalada.

0
295

Xaafadaha Salaamey iyo Horseed Ee Magalada Baydhabo oo ay si iskooda isku soo Abaabuley aay Howlaha nadfideedaan ka fuliyen Isha Baydhabo goobtasi ayaa waxaa kormeyray Gudomiyaasha xaafadahan oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasad degamad Baydhabo mudan isxaaq maxamed cali teegaab
Ugu Horeyn waxa goobta ka hadlay kana soo jeydiyey muhiimad ay leed,hay isha baydhabo gudoomiyaasha labada xaafadood Ee magalada baydhabo ayagoona maamulka degmada usheegey iney sii wadidoonaan dedaalada dib loogu soo celinayo bilicda isha baydhabo.

Dhanka kale waxa sido kale Halkasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasad degamad Baydhabo mudan Isxaaq Maxamed Cali Teegaab waxana uu tilmaayey in ay kala shaqeynayaan xaafadaha dib usoo celinta bilicda iyo hormarinta deegaana waxaana uu ku dheeraadey muhiimada ay leedahay in si iskaa ah wax loogu qabto hormarinta deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here