Amisom Qeybteeda Arimaha Bulshada Oo Agab Sports Ku Wareejisey Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha KG.

0
111

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyey agab isboortis ku waas oo loogu tala galey bahda isboortiska Magaalada Baydhabo.


Qalabkaani isboortis ah ee lagu wareejiyey wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha koonfur galbeed ayaa waxaa ay ka timid Amisom gaar ahaan qeybteeda arimaha bulshada koonfur galbeed, waxaana goobjoob ka ahaa madaxa amisom arimaha bulshada ee koonfur galbeed Mr, Faadil, wasiir kuxigeenka wasaarada abaaawow suufi xaaji cafaan iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda.


Wasiir kuxigeenka iyo madaxdii ka socotey amisom ayaa ugu horeytii waxey iskala warqateen howlaha ay heyso wasaaradda iyo waxyaabaha ay u baahan tahay in laga caawiyo
Intaasi kadib markii wasaaradda lagu wareejiyey agabkaasi isboortis ah ayaa waxaa saxaafadda lahadley wasiir kuxigeenka wasaarada abaaawow wuxuuna sharxaad ka bixiyey agabka lagu wareejiyey iyo baahida ka wasaarad ahaan ay u qabeen qalabkan isbootis ee uu maanta ka gudoomey Amisom asagoona ugu mahad celiyey sida ay isgarabtaaga ay Amisom dhanwalba ay ka garab taagantahay maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here