RW Abiy Axmed oo Amray dagaal kale oo ka dhan ah TPLF.

0
127

Ra’iisul  Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in uu dhamaaday fursadihii ay siiyeen Ciidamada TPLF oo dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka itoobiya si ay isku soo dhiibaan, isaga oo u mahad celiyay  Ciidamadii isku soo dhiibay.

Dr Abiye Axmed waxaa uu sheegay in waxa kaliya ee xilligaan haray uu yahay sidii loo bilaabi lahaa howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

“laga Bilaabo maanta  waa dhamaatay Fursadii aan siinay Ciidamada TPLF si ay isugu soo dhiibaan Qaranka waxaan bilaabaynaa gulufkii ugu dambeeyay ee Ciidan, kaas oo lagu soo Af-jari lahaa Jabhada TPLF ayuu yiri” Dr Abiy Axmed.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Federaalka Itoobiya oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo Gaadiid dagaal ay go’doomiyeen Goobaha ay ku sugan yihiin Kooxda TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here