Wakiilo Kasocda Beesha Caalamka Oo Uu Horkacaayo James Swan Oo Baydhabo Soo Gaarey.

0
166

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan waxaana wefdiga qeyb ka ahaa Wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Taliya Qeybta 60aad CXDS iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga maanta baydhabo soo gaaray Waxaana ay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka,Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.

Wakiilada ka kala Socday Besha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa Amaanay Dadaalada uu ku bixinayo Madaxweynaha Wanaajinta Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo Hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah Hormar iyo Amni Sidoo kale Wafdiga ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Goobaha la qorsheeyey inay Doorashada ay ka dhacdo.

James Swan wakiilka Qaramada midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri
“Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha DKGS Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen
Hanaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa Markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here