Maxay Man City Ugu Dhibtooneysey Helitaanka Kalidou Koulibaly

0
95

Madaxa howlgalada Manchester City Omar Berrada ayaa beeniyay wararka sheegaya in Citizens ay isku dayday inay la soo wareegto Daafaca Napoli Kalidou Koulibaly intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.

Kadib markii uu sumacd ku samaystay yurub iyo horyaalka Serie A-da daafaca Kalidou Koulibaly ayaa lala xidhiidhinayay kooxd Man City intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Laakiin Berrada ayaa sheegay in ayna kooxda Man City wax dadaal ah u samayn in ay la soo saxiixato daafaca dhexe ee reer Senegal intii lagu jiray suuqii xagaaga.

“Runtu waxa ay ahay in aanan marna wadahadalo la galin kooxdiisa”ayuu Berrada u sheegay The Athletic

“Waxa ay ahayd mid xiiso leh in aan arko wararka badan ee arintaas ka hadlaya”.

“Xitaa waan ku qoslay sababta oo ah waxa aan arkay warar xitaa sheegaya in heshiisku dhacay oo aan maalmo yar gudohood ku dhawaaqayno inkasta oo aanan xitaa kala hadlin Napolo”.

“Waa xiddig heer sare ah, waanu ka fiirsanay arintiisa laakiin ma jirin wax talaabo ah oo aan u qaadnay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here