Madaxweynaha KG Oo Kulan Laqaatey Gudoomiyaha Hay,adda Batroolka Somaliyeed iyo Wafdi uu hogaaminayo

0
152

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka u ah Dowlada Koonfur Galbeed kulan kula qaatay Gudoomiyaha Hay,adda Batroolka Somaliyeed iyo Wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Gudoomiye ku xigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed Hay,adda Batroolka uqaabilsan oo Shalay Baydhabo soo gaaray.

Qasriga Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha so dhoweyey Wafdiga waxaana uu ka dhagaystay warbixin laxiriirta socdaalkooda Baydhabo iyo Qorshaha uga Degsan soo Saarida Batroolka si Kheyraadka looga Faideyo Bulshada Soomaaliyeed

Eng Ibraahim Ali Xuseen Gudoomiyaha Gudiga hay,adda Batroolka ahna Mareeyaha hay,adda ayaa Warbixin ku Saabsan Safarkooda Baydhabo kasiiyey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen Waxaana uu sheegey inuu yahay Safar ay ku xoojinayaan Wadashaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay,adda si wadajir ah looga qeyb qaato soo saarida Batroolka Dalka

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa uga Mahadceliyey Gudiga Hay,adda Batroolka Socdaalkoodi ugu horeyey ee Baydhabo ay ku imaadeen Taasi oona muujinaysa Dadaalada Dowlada Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso So saarida kheyraadka ku jira Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana ku bogaadiyey muhiimada Dalka ay uleedahay Soo saarida kheyraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here