Arsene Wenger Oo Mikel Arteta U Sheegay Sida Uu Qaab Ciyaareed Fiican Uga Soo Saari Karo Mesut Ozil.

0
108

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa qirtay in uu si weyn uga niyad jabi jiray Mesut Ozil markii uu tababaraha u ahaa Gunners laakiin waxa uu sheegay in ay Kooxdiisii hore luminayso tayada Xiddiga ku guulaytay koobka adduunka.

Ozil ayaa si joogto ah uga soo muuqday shada Arsenal bilowgii shaqada Mikel Arteta laakiin aan wax kulan ah u ciyaarin tan ilaa bishii March.

Ozil ayaa dhankiisa diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa  kadib markii uu xanuunku dilaacay inkasta oo ay xiddigaha kale ee kooxdu ogolaadeen.

Xiddiga khadka dhexe ee 42 milyan ugu soo biiray Arsenal 7 sano ka hor ayaan ka mid ahayn qorshaha Mikel Arteta ee mustaqbalka dhaw.

Laakiin Arsene Wenger ayaa Mikel u sheegay qaabka uu xiddiga uga soo saari karo qaab ciyaareedka fiican.

Isaga oo la hadlya Der Spiegel ayaa yidhi”Ma ahan xiddiga ugu edebta badan garoonka dhexdiisa mana ahan mid ciyaari kara ciyaarta xooga ah”.

“Laakiin waxa uu si fiican u ciyaari karaa hadii aad xiddigo kale oo garoonka ku jira u xil saarto masuuliyadiisa dhanka difaacashada, waxa ugu weyn ayaa ah in aad isku dheeli tirto weerarka iyo daafaca”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here