Wafdi Kasocda Dowlada Oo Gaaray Degmo Ka Tirsan Jubbaland Iyo Ujeedkooda.

0
89

Wafdi uu hoggaaminayay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Xildhibaan Xasan Yare iyo wafdigiisa oo kamid ahaayeen Guddoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland, Xildhibaan kamid ah Golaha wakiilada Jubbaland iyo xubno kale ayaa waxaa Afmadow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.

Ujeedka wafdigaan ay u gaareen Degmada Afmadow ayaa waxaa uu yahay dardar-gelinta dhismaha Golaha deegaanka degmadaas, waxaana inta ay halkaas ku sugan yihiin kulamo ay la qaadan doonaan bulshada deegaanka.

Maamulka Jubbaland ayaa wada qorshe Golle deegaan loogu sameeynayo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la magacaabay Guddiga qaban-qaaabada dhismaha Gollaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here