Shir Looga Hadlayo Amniga Doorashooyinka Dalka Oo Ka Socda Muqdisho

0
110

Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane ayaa haatan waxaa ka socda shir looga hadlayo arrimaha Doorashada dalka ee sanadka 2020/2021.

Shirkaas ayaa waxaa sigaar ah looga hadlayaa arrimaha amniga doorashooyinka iyo sidii Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.

Dhawaan ayay aheyd markii heshiis rasmi ah laga gaaray Doorashada dalka ee sanadka 2020/2021, waxaana arrimaha Doorashada ay bilaaban doonaan bisha soo socota, sida lagu shaaciyay Jadwalka doorashada oo maalmo kahor lasoo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here