Baarlamanka Soomaaliya oo Meel Mariyay Heshiiskii DFS iyo Maaamullada ee Arrimaha Doorashooyinka

0
62

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay heshiis siyaasadeedka doorashada dalka ee 2020/21-ka, kaas oo ay dhawaan magaalada Muqisho kuwada gaareen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Heshiiskan ayay “Haa” ugu codeeyeen 252 mudane laba ayaa diidday halna wuu ka maamusay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Heshiiska ayaa noqon doona hab-raaca rasmiga ah ee lagu hagi doono doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhawaan.

Baarlamaanka ayaa qodobada heshiiska raaciyey lifaaq ku aadan in la bayaaniyo qodobada qaarkood, lana raaciyo xeer nidaamiyeyaal fududeeya dhaqangalinta heshiiskan.

Gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xildhibaanada labada aqal uga mahadceliyey sida ay dhabta uga tahay doorasho dalka ka dhacda uguna raaceen madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada qodobadii ay ku heshiiyeen.

17-dii bishan ayay madxda DFS, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, wada gaareen kaddib wada-xaajood in muddo ah u socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here