Canada oo iclaamisay in markii ugu horreysay tirada dhimashada Koroona Feyris ay gaartay Eber

0
79

Sida ay baahisay Wakaaladda qaabilsan Xogaha caafimaadka Bulshada ee Canada 24-Kii saac ee la soo dhaafay waxaa guud ahaan Canada laga waayay dad u dhigtay Karoona Feyris waana markii ugu horreeysay tan iyo bishii Sebteembar ee aanan Canada gudaheeda laga diiwaangelin wax dhimasho 24 saac gudahood.

Tirada dhimahsada uu sababay Karoona Feyris ayaa weli taagan intii uu ahaa 10-kii bisha Sebteembar, taas oo aheyd 9,163. Tirada dadka laga helay cudurka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ay gaartay 702 kiis waxaana tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurka ay tahay 135,626.

Canada ayaa u muuqata mid caafimaad qabta marka loo fiiriyo dalka Mareykanka oo dhanka Koonfur xuduud kala wadaaga Canada.

Mareykanka waxaa Karoona ugu dhintay dad ka badan 190,000 oo qof, halka dadka cudurka qaadayna ay gaarayaan 6.38 Milyan oo qof.

Tirada aadka u hooseysa ee dadka reer Canada ee qaaday ama u dhintay Karoona Feyris ayaa loo aaneynayaa in dalka Canada uu khibrad u leeyahay sida loola macaamilo cudurrada noocan oo kale, maadaama dalka Canada uu 44 qof ka dilay cudurka SARS oo 2002-2003 ka dillaacay, Canada ayaana aheyd dalka kaliya ee aan Asia ku oolin ee uu dad ka dilay cudurka SARS.

Bishii Jeenaweri 25-keedii ee sanadkan ayay aheyd markii ugu horreeyay ee kiis Koroona Feyris ah laga helo dalka Canada, gobolka Ontaariyo oo ah gobolka ay degan yihiin dadka ugu badan ayaa noqday bu’da caabuqa Karoona Feyris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here