Xiddig Liverpool Muhiim U Ah Oo Ku Qasbaya Kooxda In Laga Iibiyo Barcelona Xagaagan

0
82

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Gini Wijnaldum ahaa ku qasbaya Liverpool in laga iibiyo Barcelona xagaagan sida ay sheegtay jariirada Sport ee Spain ka soo baxda.

Waxaa la sheegay in kooxda heysata horyaalka Ingariiska inay ku qiimeyneyso xiddiga khadka dhexe 17 milyan euro, waana lacag ay Barcelona u aragto inay xad-dhaaf tahay iyagoo aaminsan in intaas laga dhimo.

Sida warbixinta wargeyska Sport lagu sheegay, Wijnaldum oo qandaraaskiisa Anfield ay ka harsan tahay hal sanno ayaa ku cadaadinaya kooxda in qiimihiisa hoos loo dhigo si uu xagaagan ugu wareego Barcelona.

Wijnaldum ayaa wacdarro u dhigayay Liverpool tan iyo 2016kii markii uu ka soo wareegay Newcastle United, wuxuu ka caawiyay hanashada Champions League sannadkii la soo dhaafay halka uu sannadkaan ka caawiyay ku guuleysiga koobka Premier League laakiin waxa uu galayaa sannadkoo ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa.

Warbixin ay bishii hore baahisay jariirada Ingariiska ee The Independent ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiis uu dhici karo inkastoo ay u badan tahay inuu heshiiska dhaco xagaaga danbe marka uu xor noqdo isagoo bisha Janaayo saxiixaya heshiis hordhac ah madaama uu xiddiga khadka dhexe doonayo tartan cusub.

Tababare Jurgen Klopp ayaa maanta kulan la qaadanaha Wijnaldum oo ka soo laabanaya waajibaadkiisa xulka Netherlands.

Xiddiga khadka dhexe ayaa u sheegi doona tababaraha Jarmalka inuu doonayo inuu baxo isagoo ka dalban doona in kooxda ay hoos u dhigto qiimihiisa si uu ugu wareego Camp Nou oo uu u la midoobo macalinkiisii hore ee Netherlands Ronald Koeman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here