XASAASI: LABA Ka Mid Ah Saxiixyada Cusub Ee Chelsea Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
88

Kooxda Chelsea ayaa dhirbaaxo xun la kulantay ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League iyada oo dhaawac ku waayi doonta 2 ka mid ah saxiixyada Blues ee xagaagan.

Chelsea ayaa waayi doonta xiddigaha Ziyech & Ben Chilwell kulanka ay Isniinta dambe la ciyaari doonto kooxda Brighton kulankooda ugu horeeya ee premier League sida ay sheegayaan wararku.

Ziyech oo chelsea ugu soo biiray lacag dhan 37 milyan oo euro ayaa badal ku baxay qaybtii dambe ee kulankii saaxiibtinimada ahaa ee ay Chelsea la ciyaartay kooxda Brighton ee dhacay 29 bishii hore.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ka dhaawacmay jilibka wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uuna Lampard khatar galin doonin xiddiga kulanka Brighton.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in uuna Lampard shaxdiisa ku soo dari karin xiddiga 50 milyan ugu soo biiray ee Ben Chilwell.

Xiddiga reer England ayaa ka dhaawacmay Cidhibta kulankii ay Leicester City guusha ka gaadhay kooxda Crysal Palace 4 bishii July walina wuu ka soo kabsanayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here