RIKOODH: Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Cusub Oo Gool-dhalinta Ah Sameeyey.

0
108

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee dhaliya 101 gool oo heer caalami ah oo uu waddankiisa u saxeexay, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu noqdo laacibka ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta ee dhinaca xulalka.

Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda Yurub markii uu gool laag xor ah ka dhaliyey Sweden oo ay marti u ahaa ugu ahaayeen garoonka Friends Arena ee ku yaalla caasimadda waddankaas ee Stockholm, halkaas oo xulka qaranka Portugal uu daqiiqaddii 45aad ee dhamaadka qaybta hore hoggaanka ugu dhiibay.

35 jirka reer Portugal oo hore usoo dhaliyey 99 gool ayaa u baahnaa inuu shabaqa soo taabto si uu u noqdo laacibkii labaad ee tiro saddex god oo goolal ah ka dhaliya qaramada dunida oo dhan, waxaana ka horreeyey xiddigii reer Iran ee Ali Dai oo 109 gool usoo dhaliyey dalkiisa intii uu ciyaaraha ku jiray.

Intii uu socday koobkii adduunka ee 2018 ee lagu qabtay Ruusha ayaa uu Ronaldo dhaafay rikoodhkii Ferenc Puskas ee gool-dhalinta caalamiga ah ee Yurub, iyadoo horena uu usoo garaacay halyeygii reer Hungary ee Sandor Koscis.

Halkan kaga bogo ciyaaryahannada ugu goolasha badan qaramada Yurub:

Cristiano Ronaldo (Portugal) – 101 gool

Ferenc Puskás (Hungary & Spain) – 84 gool

Sándor Kocsis (Hungary) – 75 gool

Miroslav Klose (Germany) – 71 gool

Gerd Müller (West Germany) – 68 gool

Robbie Keane (Republic of Ireland) – 68 gool

Zlatan Ibrahimović (Sweden) – 62 gool

Robert Lewandowski (Poland) – 61 gool

Imre Schlosser (Hungary) – 59 gool

David Villa (Spain) – 59 gool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here