Wasiir Goodax Barre Oo Su’aalo Laga Weydiiyay Natiijadii Imtixaanka

0
113

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha Aqalka sare BFS ayaa kulan xog wareysi la yeeshay siihayaha Wasiirka Wasaarada Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta golaha Aqalka eare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gudiga iyo sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa waxa ay qaateen kulan saacado socday, kaas oo looga hadlayey hawlqabadka wasaaradda

Siihayaha wasiirka wasaarada waxbarashada XFS C/laahi Goodax Barere ayaa sheegay in gudiga uu warbixn guud ka siiyay waxqabadka Wasaarada waxbarashada, natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arimaha Jaamacadaha Soomaaliya ka hawlgala.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiir Goodax Barre ay Guddiga Su’aalo ka weydiiyeen Natiijada Imtixaankii maalin kahor la shaaciyay, isla markaana Imtixaanka ay ku dhaceen 8 kun oo Arday (90%) ay yihiin ardayda Magaalada Muqdisho, iyadoona natiijadaas ay siweyn uga fal-celiyeen siyaasiyiin iyo waalidiin badan.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arimaha bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka BFS Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa wasiirka uga mahadceliyey warbixinta guud ee uu ka siiyay waxbarashada dalka, isla markaana gudiga hawlaha uu u xilsaaranyahay ay ka mid tahay inay wasaaradaha hawlahooda kormeeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here