Golaha Wasiirada Ee Xilka Sii-Haaya Oo Shir Aan Caadi Aheyn La Isugu Yeeray

0
132

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haaya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la isku yeeray shir aan caadi aheyn, kaasi oo la shaaciyay in uu dhacayo 2-da duhurnimo ee Maanta.

Wasiirada xilka sii-haya ayaa xalay iyo saakay waxaa loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan aan caadi aheyn, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si looga hadlo Arrimo kala duwan oo la qorsheeyay.

Lama oga qodobada looga hadli doono shirkaas, hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Muqdisho ka socdeen maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed iyo shirar ay hormuud ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland.

Golaha Wasiirada ee xilka haya ayaa ansixiyay go’aano iyo hindise sharciyeedyo mugdi ku jira, tan iyo markii la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli soo magacaabin Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoona weli uu socdo qorshaha lagu magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here