Madaxweynaha Puntland oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

0
186

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada muqdisho waxaa uu waday kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo Arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya.

Deni ayaa ka kulmay qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, mas’uuliyiin miisaan culus ku leh siyaasadda, Guddoonka Aqalka sare iyo guddiga joogtada ee Golaha.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland waxaa uu muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kale.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu la kulmay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ee kasoo jeeda degaannada Puntland Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan Madaxda uu la kulmay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo weli go’aan rasmi ah aan laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here