Galmudug oo shir deg deg ah ka yeelaneysa dagaal Beeleedyada

0
154

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Colaad Beeleedyo ay ksoo cusboonaadeen degaano ka tirsan Maamulka Galmudug, kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana si kulul uga hadlay Maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Galmudug ay shir deg deg ah ka yeelan doonaan Colaad Beeleedyada si xal looga gaaro.

Waxaa uu uga digay Xubnaha kale ee Golaha wasiirada Galmudug ka hadlida Colaad Beeleedyada iyo dagaalada dhex-mara dadka degaannada Galmudug iyo Al-Shabaab, isaga oo sheegay in Wasaaradda Warfaafinta kaliya ay ka hadli karto.

Degaannada Galmudug ayaa waxaa kusoo batay dagaalada u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Xanan-buure iyo Qalanqaale ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here