Axmed Madoobe oo la kulmaya Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare

0
87

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu la kulmo Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ee Golaha.

Kulanka ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu khudbad dheer ka jeediyo sidoo kale Senatorada Aqalka Sare ay su’aalo dhowr ah ku weeydiiyaan.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid xadidnaa, isagoo hoyga uu ka degay nawaaxiga Madaxtooyada ka waday kulamo gaar gaar ah.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid xadidnaa, isagoo hoyga uu ka degay nawaaxiga Madaxtooyada ka waday kulamo gaar gaar ah.

Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid in Madaxweyne farmaajo uu kala hadlo tabasho uu dowladda ka qabo Maamulkiisa Jubbaland, hayeeshee caqado dhwor ah oo kulankaas soo wajahay uu qabsoomi waayay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan la kulmay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada, iyada oo sidoo kale uu weli Muqdisho ka wado kulamo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here