Barlamanka Somalia oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed

0
142

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta meel mariyay Hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed.

Kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo u shir gudoominaya Afhayeen Baarlmaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 141 Mudane waxaana 139 mudane ay u codeeyeen meelmarinta xeerka, halka labo mudane ay diideen axsixinta xeerka, ma jirin cid ka aamustay.

Dhanka kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaakiya ayaa maanta Akhrintii koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka iyo Sharciyada Beeraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa Akhriska labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed.

Xeerkan ay ansixiyeen Golaha Shacabka ayaa u gudbi doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyada oo uu ugu dambeynna saxiixi doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here