Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la sheegay in todobvaadkaan ay weeraro qorshaysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,isla markaana ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Janeraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) ayaa sheegay in hwolgallada laga sameeyay wadada isku xirta degaannada Janaay Cabdalla iyo Buulo-Gaduud, halkaasi oo marraka qaar ay weeraro ka fulin jireen Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegya in howlgalladii ugu dambeeyay lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab sidoo kalena lagu dilay Xubno iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.
In kastoo saraakiisha Ciidamada Jubbaland ay todobaad walba sheegaan inay howlgallo qorsheysan ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa hadana waxaa jira weeraro weli ka dhacaya degaannada Jubaland, iyada oo weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay degaanka Baar Sanguuni.