Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
163

Maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada uu isku soo dhiibay.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan ayaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada Qansax-dheere waxaa ay sheegeen in uu muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgalayay tuulooyin hoostaga degmada.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in sarkaalkaas uu Ciidamada isku soo dhiibay, kadib amrkii uu u adkeysan waayay dhibaato ay Shacabka ku hayaan Al-Shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaalka ay Ciidamada Daraawiishat Koonfur Galbeed ay sheegeen in uu Ciidamada isku soo dhiibay ayaa waxaa uu watay Qoray AK47 iyo Booshkiisa,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u soo bandhigaan Saraakiil iyo Ciidamo uu midba midka kale uu sheego in uu dhankiisa isku soo dhiibay walow bilihii la soo dhaafay ay arrintaasi yaraatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here