Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS

0
93

Maxkamadda gobolka ayaa xukunno adag ku riday agaasimeyaal ka tirsan wasaraadda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loo heestay musuqmaasuq.

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ayay maxkamaddu ku xukuntay 9-sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shilin Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo Doolar.

Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaad Maxamuud Buulle Maxamuud, ayaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah, ganaax dhan $2,366 iyo ka reebid xafiis dadweyne muddo aanan la cayimin.

Agaasimihii qeybta xisaabaadka wasaaradda Mahdi Abshir Maxamed ayaa isna lagu xukumay 12-sano oo xarig ah, ganaax lacageed oo dhan $2,366 iyo ka mamnuucid xafiis dadweyne muddo aanan la cayimin.

Bashiir Cabdi Nuur, madaxii mashruuca Malaariyadda, ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, ganaax dhan $1,183 iyo in uusan xaadiri karin xafiis dadweyne muddo ku siman shan sano.

Eedeysanayaasha loo soo qabtay falkan musuqa ah ayaa horay u ahaa 9 eedeysane, maxkamadda ayaa wax danbi ah ku weysay eedeysanayaasha kale waxaana ay maxkamaddu u celisay xurriyadoodi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here