Hoggaamiyeyaasha Jubbalaan iyo Buntilaan oo Garoowe ku kulansan

0
79

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubalaan Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Buntilaan, waxa uu xalay kulan la yeeshay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Buntilaan Siciid Cabdullaahi Deni..

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay in ay uga wada hadlayeen sidii ay u maareyn lahaayeen culeyska iyo cadaadiska uga imaanaya beesha caalamka markii ay tegi waayeen Shirkii Dhuusamareeb 3.

Waxaa jira warar sheegaya in Wakiillo ka socda Beesha Caalamka oo uu kamid yahay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ay tagayaan Magaalada Garoowe.
Wararka ayaa intaas ku daray in Hoggaamiyeyaasha Jubalaan iyo Buntilaan ay suurtagal tahay in ay yimaadaan Muqdisho.

Labadan hoggaamiye ayaa maanta dib u kulmaya waxaana laga wada dhowrayaa maxsuulka ka soo baxay kulanka.

Laba maalmood ka hor ayay aheyd markii War murtiyeed ay soo saareem Hoggaamiyeyaasha Buntilaan iyo Juballaan ay ku caddeeyeen in aanay qeyb ka aheyn Heshiiskii Dhuusamareeb 3, isla markaana lagu matalin warmurtuyeedkii ka soo baxayna uu koobanaa madaxdii xaadirtay shirka.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh ku heysa dowlad goboleedyada Jubalaan iyo Buntilaan waxaana xusid mudan in war qoraal ah oo ay saartay safaaradda Mareykanka lagu tilmaamay dhinacyadii ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb “Qaswadeyaal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here