Puntland oo guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay Gobolka Bari

0
101

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaannada Galgala & Bali-Khadar ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku yaalaan saldhigyo ay leeyihiin Ciidamadda Difaaca Puntland.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay lahaayeen Ciidamada Puntland, waxaana dagaalkaasi uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland halka Saddex kale ay ku dhaawacmay.

Taliyaha Ciidanka Komaandoosta Puntland ee PMPF Baari Salaad Axmed ayaa sheegay inay Ciidamada iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay in ilaa 10 dagaal yahan ay ka dileen Al-Shabaab sidoo kalena ay nolosha ku qabteen Xubno kale,waxaana uu intaasi raaciyay hadalkiisa in Ciidamada Puntland ay ku jiraan feejignaan amniga la xiriira.

Degaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay weeraro lagu qaaday Ciidamada Puntland, waxaana mas’uuliyada weeraradaas sheegta Al-Shabaab & Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here