Wasiirka maaliyadda Itoobiya oo ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee wasiirka maaliyadda Afrika

0
149

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee wasiirka maaliyadda sanadka ee Qaadadda Afrika.

Abaalmarintan oo ay sanadkii mar bixiso majaladda Hoggaaminta ee Afrika ayaa sanadkan abaalmarintan u xulatay wasiirka maaliyadda Itoobiya waxa uuna abaalmarintan guddoomi doonaa 29-ka bisha dambe ee Sebteembar.

Guddiga sare ee majalladda hoggaaminta ee Afrika ayaa maanta ku dhowaaqday 17-ka qof ee sanadkan ku guuleystay 17-ka qeybood ee ay abaalmarintan leedahay.

Sii hayaha Raiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Axmed Shide ugu hambalyeeyay abaalmarinta uu ku guuleystay.

“Waxa aan fursadan uga faa’iideysanayaa in aan hambalyo kal iyo laab ah u diro walaalkey Axmed Shide oo markiisii labaad loo doortay wasiirka maaliyadda sanadka ee Afrika” ayuu yiri Raiisul wasaare Mahdi Guuleed oo war qoraal ah ku soo qoray bartiisa Twitterka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here