Al-Shabaab oo sheegtay inay weerar ku dileen Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani

0
104

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegtay in weerar qorsheysan ay ka fuliyeen degaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Bile.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday Hoyga uu degaanka Qooqaani ka degan yayahay Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani,waxaana dagaal kooban uu dhexmaray ilaalada Guriga iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay sheegteen inay u suurtagashay inay Nolosha ku wataan mid kamid ah ilaalada Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani, kaas oo ay sheegeen in uu wada Shaqeyn la lahaa Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Weerarkaan ka dhacay degaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan weeraro ay ka dhaceen degaannada Hoosingoow,Qooqaani iyo Kulbiyoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here