Shuruucdan waxaa ku dhawaaqay Xiriirka Kubadda Cagta Caalamka (IFAB), kaasoo go’aaminaya qaanuunka ciyaarta.
Afahayeen u hadlay IFAB ayaa yiri “marka la fiiriyo xaalada hada taagan ee la xiriirta COVID-19, hadii ciyaaryahan si ula kac ah u Qufaco wejiga ciyaaryahan kale, sarkaal ciyaarta dhex-dhexaadinaaya waxaa uu bixin karaa kaarka cas
Sida ku xusan tilmaamaha cusub, garsoorayaashu waxay u baahan doonaan inay go’aan ka gaadhaan bal inuu qufacu si ula kac ah yahay sidoo kalena ay tixgeliyaan masaafada u dhexeysa dadka ku lugta leh.
Xiriirka kubada cagta Ingariiska (FA) ayaa horey u sheegay in kaararka casaanka ama jaalaha la siin karo dambiga lagu galay wax laxiriira qofaca si loogu fogaado xanuunka Covid19.