Ganacsatada Qaadka Dalka Kenya oo Khasaaro Kale la Kulmay

0
85

Midowga Ganacsatada Qaadka Dalka Kenya ayaa sheegay in bil gudaheed ay khasaareen lacag dhan 160.000 oo dollar kaddib dhowr jeer oo diyaarado qaad siday laga soo celiyay Soomaaliya.

Guddoomiyaha ganacsatada qaadka Kenya, Kimathi Munjuri ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay diidday in diyaarad sidday qaad dhan 11 tan in ay caga dhigato maamul goboleedka Buntilaan.

Munjuri ayaa dowladda Kenya ku dhaleeceeyay in ay iska dhagatireyso xayiraadaha ay xukuumadda Soomaaliya ku soo rogtay duullimaadyadii qaadka ee loo iib geyn jiray Soomaaliya.

Guddoomiye Minjuri ayaa ku cataabay in oggolaanshaha ay haystaan uu yahay mid sax ah haddana marar is xigxiga duullimaadyada qaadka laga soo celiyay Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa ah tii labaad ee sidda shixnad qaad ah kana soo kicitinta Kenya ee loo diido in ay ka soo degto Soomaaliya.

Billowgii bishii Luuliyo ayay ahayd markii diyaarad sidday shixnad qaad ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay 80.000 oo dollar dib looga celiyay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday xanuunka COVID19 waxay dalka ka hakisay duullimaadyada ka yimaada dalka dibaddiisa oo ay ka mid yihiin kuwa qaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here