Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray qeybta karantiilka cudurada ee isbitaal Banaadir

0
99

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho qeybtaas oo loogu talagalay in lagu karantiilo dadka qaba cudurrada khatarta ah.

Mahdi Guuleed ayaa uga mahad celiyay shirkadda Hormuud dhismaha iyo qalabeynta qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Banaadir.

Sii haya Ra’iisil Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in haddii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn oo ay ummaddu ku diirsato.

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay qeybta karaantiilka ee Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Xaruntan cusub ee loogu talagalay karantiilka ayaa ka kooban afar qeybood Waxaana la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu daran tahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here