Turkiga oo Gawaari Gaashaaman u soo iib Geynaya Afrika.

0
198

Dowladda Turkiga ayaa billowday markii ugu horreysay in ay qaaradda Afrika u soo dhoofiso gawaarida gaashaaman ee lagu magacaabo Hizir.

Farsamaynta gawaaridan oo uu xarigga ka jaray madaxwey Rajab Dayib Erdoga 2016 oo ay gacanta ku hayso shirkadda Katmerciler ayaa dalabaad ku aaddan gawaaridan gaashaaman ka heshay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Afrika.

Samaynta gawaaridan ayay shirkaddu sheegtay in ay ku kacday lacag dhan 20.7 milyan oo dollar isla markaana ay filayso in ay ka soo xarooto lacag dhan 45 milyan oo dollar.

Gawaarida Hizir ayay shirkaddu sheegtay in ay ku soo fool leeyihiin Afrika walow aanay carrabaabin dalka ay u socdaan.

Gaadiidkan oo ah kuwo millatari ayaa leh matoor si isku mid ah ugu shaqeeya shidaalka iyo korontada labadaba.

Waa gaadiid si casri ah loo farsameeyay lana marsiiyay halbeegga NATO ee farsamaynta gaadiidka ciidamada.

Shirkadda Katmerciler ee farsamaysay gaadiidka ayaa dhidibbada loo taagay 1885-kii waxayna soo saartay in ka badan 30 nooc oo kala geddisan oo gaadiid ah sida gaadiidka dab-damiska, kuwa faya-dhowrka iyo kuwa gaashaandhigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here