Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Dib u Billaabeysa Bixinta Baasaboorka

0
163

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyayay hakad gelisay qaadashada baasaboorka xanuunka COVID19 awgii ayaa shaacisay in ay dib u billaabayso howlaheedii

“Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda

Hay’adda oo ka duulaysa badbaadada iyo ilaalinta caafimaadka bulshada ayaa dib u bilaabidda bixinta baasaboorka ku lamaanisay tallaabooyin ay ku xakamaynayso in xanuunku ay si fudud isugu gudbiyaan bulshada adeegga ka soo doonanaya xarumaheeda.

Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixinayo ayay hay’addu sheegtay in ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka ayaa lagu amray in uu sanka iyo afka ku soo xirto “Face mask” iyo waliba gacmo gashi “Gloves”.

Dadweynaha xarumahaasi adeegga u soo doonanaya aya asidoo kale la faray in ay ilaaliyaan masaafada kala fogaanshaha iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka Banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaannada kale awgeed, waxaa loo diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1-Xarunta ku taalla Degmada Cabdicasiis (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Hiliwaa, Shibis, Shangaani, Boondheere, Xamarweyne iyo Yaaqshiid.

2-Xarunta ku taalla Degmada Hodan (Dhismaha Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -Hodan, Waaberi, Warta Nabadda, Wadajir, Kaxda, Dayniile, Howlwadaag, Xamar jajab, iyo Dharkeynley.

Hay’adda ayaa muwaadiniinta ka codsatay ilaalinta iyo u hoggaansanka nidaamka iyo in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan howl-wadeenada u adeegaya waqtigan adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here