Dowlad goboleedyadda oo daahfuray Imtixaanka dugsiga dhexe

0
309

6,220 ardey ayaa maanta koonfur galbeed u fariisatay imtixaanka dowlada ee fasalka 8 aad ee dugsiyada dhaxe,14 degmo oo koonfur galbeed ahna wuu ka furmay, Baydhabo waxaa Wasaarada waxbarashada u qorsheysey in lagu qaado 8 xarumood.Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna gudoomiyaha Barlamaanka Dr, Cali Sacid Fiqi oo ay wehelinayeen wasiirka waxbarashada,ku xigeenkiisa, Agaasimaha guud ee Wasaarada iyo mas,uuliyiin kale ayaa booqdey goobaha qaar ee Magaalada Baydhabo oo imtixaanaadka lagu qaadayo.Dr, Cali Sacid Fiqi ayaa u rajeeyey ardeyda guul iyo horumar, isagoona Wasaarada waxbarashada uga mahadceliyey sida ay u agaasimeen howshan imtixaanka.

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland mudane maxamuud sayid aadan iyo masuuliyiin kale oo katirsan wasaaradda waxbarashada jubbaland ayaa daahfuray Imtixaanaadka Fasalka 8- aad ee dugsiga dhexe.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah uga bilowday degaanada Jubbaland ,Waxaana imtaxaanka ufariistay deganada Jubbaland oo idil 2362 arday.

Sidoo kale 2,561  arday  ayaa degaanada Galmudug maanta u fariisatey imtixaanka qaran fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe oo ka dhacaya 18 goobood oo Galmudug ka tirsan.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug oo ka mid ah Goobaha imtixaankani ka bilowdey kaga daah furay arday dhan 222-arday wasiirka wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi dhoore oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee wasaarada Axmed Nuur Cusmaan iyo kormeerayaal ka socday wasaarada waxbarashada Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here