Dad Lagu Tuhunsanyahay In ay Ka Dambeeyeen Dilkii Hachalu Hundhesa oo la qabtay

0
148

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay tiro ka mid ahaa dad la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen dilkii dhawaan loo geystay fannaanka Hachalu Hundheesa.

Xeer ilaalinta guud ee dalkaas ayaa bayan laga sii daayay warbaahinta dalkaas ku sheegtay in ninka lagu tuhunsanyahay dilka fannaanka lagu magacaabo Talahon Yami oo ay la socdaan laba kaaliye haatanna ay ku jiraan gacanta ciidamada booliska.

Dilaaga fannaanka iyo mid ka mid ah kaliyeyaasha ayay xeer ilaalintu sheegeen in ay hayaan halka mid saddexaadna lagu raad joogo.

Labada nin ee haatan la hayo ayaa baadhitaan iyo wareysiyo lagu sameeyay ku qirtay in amarka ay ku dileen fannaanka ay bixisay jabhadda xoreynta Oromo ee kasoo horjedda xukuumadda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xeer ilaalinta ayaa wacad ku martay in ay gacanta kusoo dhigo doonaan cid walba oo kiiskaasi dilka ahaa ku lug yeelata, isla markaana la tiigsan doonaan caddaaladda.

Dilka fannaanka Hachalu Hundhesa ee ka soo jeeda qowmiyadda Oromada oo caan ku ahaa heeso xanaf siyaasadeed leh ayaa sababay in ay dalkaasi ka dhacaan dibadbaxyo rabshado watay oo ay ku dhinteen boqollaal Itoobiyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here