Alshabaab Oo Burburiyay Xarun Ay Laheyd Shirkad Isgaarsiineed

0
48

Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay bur-buriyeen xarun ay laheyd Shirkad isgaarsiineed oo ku taalla halkaasi.

Shirkaddaan isgaarsiineed oo laga lahaa dalka Kenya ayaa lagu burburiyay deegaanka Korakora kana tirsan gobolka Waqooyi Bari,dadka deegaanka ayaa u sheegay booliiska dalkaas in 20-dagaalame oo ka tirsan Shabaab ay ka dambeeyeen falkaas isla markaana xarunta ay dab qabadsiiyeen.

Xubnihii ka tirsanaa Alshabaab iyo ciidamo ilaalo ka hayay xarunta ayaa dhowr daqiiqo waxaa dhexmaray dagaal iyada oo markii dambana xarnta ay galeen Alshabaab kadibna ay burburiyeen.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi Bari Rono Bunei ayaa sheegay in aysan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay dagaalkaas oo koobnaa eek a dhacay xarunta shirkadda,waxaana uu carabka ku dhuftay in dhowr jeer ay ka digeen bartilmaameedka Alshabaab ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta.

Ma aha markii ugu horeysay oo Alshabaab ay burburiyaan xarun shirkad Isgaarsiineed,iyada oo ay xusid mudan tahay in saraakiisha booliiska Kenya ay sheegaan in ay sii wedayaan howlgalka ka dhanka ah Alshabaab eek a socda deegaanada hoostaga gobolka Waqooyi bari oo weeraro ay ka geystaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here