Midowga Yurub oo deeq dawo ah soo gaarsiiyay Soomaaliya

0
114

Waxaa shalay magaalada Muqdisho laga soo dejiyay deeq dawo ah oo ka timid Midowga Yurub, taas oo lagu wareejiyay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka socotay Safaarada Midowga Yurub ee Soomaaliya deeqdan ayaa ah dawo loogu talagalay la dagaallanka cudurka Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar ayaa ka mahadcelisay deeqdaan sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in deeqdan gacan ka geysan doonto ololaha la dagaallanka Karona ee Soomaaliya.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee qaba Korona ayaa gaaray 2,997 sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka halka dadka ka soo bogsadayna ay gaareen 1,014 qof.

Wasiir Fowsiya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo ka hortagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here